Dharaaraha Aduunyada
Dhooleey aduunyada
Dharaaraa la joogaa
Dhawr sano’oo tirisoo
Laga dheelmanayoo
Hadba dhaayaheeduna
Cashar kuu dhigaayaan
Dhirbaaxooyin kulul iyo
Dhamac iyo rasaas iyo
Marbay tahay dhunkaal iyo
Nafta waxa dhibaayoo
Lala dhalan gadoomee
Dhafaruur bislaatiyo
Dheeman iyo dahabiyo
Marbay dhayda xooliyo
Malab dhiina ay tahay
macaankeedu dheeryahay
Dhib markaad la daristaa
Rajadaadu yay dhiman
Hoos u dhicin hankaagii
Dharaaraha kharaarkihi
Ileen way dhamaaniye
Markaad dheeman iyo luul
Iyo nimco dhex joogtaa
Hays dhiganin Dhooleey
Dharaaraha macaankihi
Ileen way dhamaaniye
Dheemaneey aduunyadan
Dharaarahan is dabayaal
Dhigaa kaad ka doontee
Ku daahartay dhuuxiyo
Unugyada dhamaantood
Haduu calaf ku dhaafshaa
Qadar baan la dhaafine
Ka dhawrsug ayaamaha
Dhooleey wanaagsani
Dhawaan bay imaaniye
Ku dheeree salaadiyo
Dheemaneey cibaadada
Adkaartana ha dhiginoo
Ku dhakhtari naftaadoo
Dhaawacii qalbiga iyo
Beerka dhinacyadiisiyo
Sanbabada ku dhacaybay
Dhuxeey daweeyaan
Dhaqan sami gobaadeey
Gobanimada dhawroo
Dharaarihii horeeyiyo
Iska dhaaf wixii tagay
Calaf baa ku dhaafshaye
Ku dhardhaar ducooyin
Dhambaal hambalyo gaadhsii
Dhamo dumar wanaag iyo
Ubad dhawra oo wacan
Iyo khayr dhamaantii
Dinac yadiisa buuxshaan
©FadumoYusuf 2020
12 thoughts
MashaAllah walaashay waa dharaara wanaagsan.
Masha allah cirigaaga allah raagsho
Waa maanso cajiib ah
Ashqaraar. Waa tix mug weyn leh.
Manshallah Abaayo aad ayaa ugahelay tixdaada. waa erayo mug, macno iyo kiisa leg. Blog gayga hadaa kusoo daabaco caadi miyaa anoosheegaya xuquuqda daabacaadaada?
Maasha Allah Dha’da Maansada
Dhooleey aad kala Dhig Dhigtay
Dhawr badanoo la mida
Bal nagu soo Dhardhaar
Maasha Allah, Allah ha barakeeyo iyadoo kalana hanoo badiyo aamiin
Maansha Allah, daradaraan wanaagsan. Kuwiiq aata Allah hanga dhigo.
Manshallah abaayo so beautiful as first generation raised a little bit in Somali it truly touched based about this world and it’s meaning.
Maasha Allah, Allah ha barakeeyo iyadoo kalana hanoo badiyo aamiin
Maasha Allah Alle Maanka haku siyadsho
Mashalah wa hoga tusaaleyn
Macha alah abayo